dimanche 29 décembre 2024

                                 Kooras

Ahlan Yaa Xabiibi Yaa Ibna Cabdilaahi Ahlan Yaa Xabiibi Rasuulalaahi

01 Aadmi Loo Riyaaqo Samaday Iyo Aradkuba Ideyl Soo Dhaweeyen Ifka kila Keene Astamaha Lahaayow Ahlan Yaa Xabiibi Yabna Cabdilaahi

02 Xigmadiyo Aqoontiyo Aragtidey Makhluuquba Ashqaraar Ka Qaaden Axmad Kii Lahaaye Eebbe Ku Cizeeyow Ahlan Yaa Xabiibi Yabna Cabdilaahi

03 Inaan Ahay Aduunyada Kuwa Ugu Ayaan Badan Adoonki Ilaahay Abuurka Ugu Jeclayu Ergo Noga Yeelow Ahlan Yaa Xabiibi Yabna Cabdilaahi

04 Ayaanlow Udgoonow Alle Sarey U Qaado Urkii Necba Iyo Nin Inkira Xuskaagana Kolna Olimaaye Ahlan Yaa Xabiibi Yabna Cabdilaahi

05 Admigu Makoobe Amaantiisa Nabigi Ilaahay Dhameeye Inti U Mudna Sharaf Aayad Ku Sheegow Ahlan Yaa Xabiibi Yabna Cabdilaahi

06 Aleylehee Udgoonow Ayantaada Dhalashadu Ciideyda Weeyo Ubax Kugu Salaanaye Nabad Galyo Abiidaba Gorka Ahaate Ahlan Yaa Xabiibi


Ereyada : Abdirahman Moussa 

Laxanka : Omar Aden 

Codka : Omar Aden 


                                     Kooras

{Cawana Dar Alle Xabiibka Digrigiisa Badsho Amiinka Dugsada Saliga Iyo Kheyrka Dugsada Saliga Iyo Kheyrka}

01 Ma Dugowde xasuustu Habeenku Dunida Imidey Dayib Ka Wacan Dhalashadiisa Naxariis Alle Ku Daahiyo Deeq Weyn U Ahayd Makhluuqu Xumaanti Kaga Dawoobey

02 Hanuuniyo Diin La Raaco Xaqiyo Daw Lagu Arooro Rasuulki Dadeheeyey Marku Ifka Daa'in Keeney Ayey Darajiyo Wanaagu Dadyow Kaw inoo Ahaadey

03 Raxmada Darartiyo Ayaanku Wuxu Unka U Dilaacay Habeenkay Dihaatay Aamina Rasuulki Daahirnaaye Abuurka Ilah Ka Doorte Darti Koonku U Ahaaday

04 Darki Maxabada Jacaylka Dabiibki Cashaqiinta Digriga Saligiisa Mudanebaa Xabiibkan Ku Dirsanaayo Markan Doc Weliba Ka Eegno Inleyn Dawo Waa Xuskiise

05 Salaan Dooriyo Badbaado Ayaan U Dirne Mukhtaar Ka Dushiisa Ilah Ha Saaro Inti Raacdiyo Dirkiisa Kuwi La Daga Firdowsa Allaha Dolahaan Ka Yeele

Ereyada : Abnawaas
Laxanka : Omar Aden 
Codka : Omar Aden 


lundi 23 décembre 2024

                                 Kooras

Madaad Madaad Shekh ciisa Muraade Madaad Madaad Ciisa Bilaahi Quum Jaddiya Cimaade


01. Bisinka Eebban Bilowga Weedha Baqa Xuskaaga Boqor Ku Tuugnaye Bilaahi Quum Jaddiya Cimaade

02. Kii Xiiski Laabta Barakadiisa Loo Boqanaaye Lagu Badhaadhayow Bilaahi Quum Jaddiya

03. Baaqaska doola Mushekh Murhaanle Sheekhi Bashiishtee Alle Ka Beerayow Bilaahi Quum Jaddiya

04. Gorofka Buuxa Barniisi Geela Balad Nimcaysan Barqa Ku Maale Bilaahi Quum Jaddiya Cimaade

05. Agoon Barbaarshe Dhaqan Baxnaanshe Bilaawe Dheere Burti Adkeydoow Bilaahi Quum Jaddiya Cimaade

05. Bariga Maanta Balada Oogan Birmad Xuskaagan Alle Ku Barinayee Bilaahi Quum Jaddiya Cimaade

06. Barakadaada Badhaadha Waara Allow Barwaaqo Nagu Baleysin Bilaahi Quum Jaddiya

07. Ilah Barbaarta Baladka Oo Dhan Baqa Ibleyska Haa Noga Baje Bilaahi Quum Jaddiya

08. Barakadiisa Bashiir Xuskiisa Baqi Muraadka Buuqi Ku Laabnaye Bilaahi Quum Jaddiya Cimaade



Ereyada : Abdirahman Moussa

Laxanka : Omar Aden 

Codka : Omar Aden 

Qoraaga : Ismael Omar 


lundi 18 novembre 2024

                            QASAYID 

                     

                           (Kooras)

Madaad Nabi Yallah Madaad Xabiibalah Yaa Ibna Cabdilah Caleyka Salalah Yaa Ibna Cabdilah Caleyka Salalah

      

01. Murti Weeye Bisinkaan Ku bilaabay Madxige Aan Muquurto Sida Mayey Iyo Mawjad Buxde Adaa Mowle Bixiye Muftaxiisa I dhiib

02. Maxamado Ilah Baa Maqaamkaga Sheego Magaciisa Kuga ladho Ku Micneeyey Dintee Maxa Hadhey Amaano Mustafow Irahda

03. Muraadkisu Nimu Yahay Maka Iyo Madiina Oo Lamuudo Miskiidkiyo Xaramki U Mar Inu Siyaartana Weli Muhaanayaane

04. Nimay Meeli Gooto Laga Xidhey Mataano Kalgacal Muqunsho Darta Musanaabo Waxan Ahay Is Mooge Iga Goo Mareegaha

04. Bagmuraanka Cashaqa Ruxi Lagu Maneystee Sida Malab Ka Leefe Ka Hirqada Macaan Ka Mustafow Rasuulkiyo Mashquula Nabige

05. Qalbigi Ku Maaga Meel kalaba Diido Muraqooday Owga Ohintana Madaayo Ma Qabooba Jeeron Madxigaaga Qaade

06. Ma Seexdo Habeenki Hurdo Waan Ka Maago Ma Dareemo Gaajo Biyahana Ma Doono Maxabada Rasuulka Lagu Maray Nafteydee

07. Ifku Malmo Weeye Kolkey Xaajo Murugte Misaankiyo Xisaabtiyo Naga Bixi Masiibada Mukhtar Noo Shafeeco Noo Bari Macbuudke

08. Mowlihi Na’umoow Qimaha Markay Tahay Naga Meydh Dunuubto Rasuulki Mudnaaye Muxamadan Lajaadne Naga Gaarsi Martabada

Ereydi : Med Aden  Laxanka Iyo Codka : Omar Aden


                                 Kooras Ahlan Yaa Xabiibi Yaa Ibna Cabdilaahi Ahlan Yaa Xabiibi Rasuulalaahi 01 Aadmi Loo Riyaaqo Samaday I...